Sign in to follow this  
Deeq A.

“Milgihii Maxamed Baashe Xaji Xasan ” Waxa qoray Fanaanka Sir Maxamuud Cumar Yare.

Recommended Posts

Deeq A.   

Marka hore Illaahay Marxuum Maxamed Baashe Xaji Xasan hawnaxariisto jannooyinkiisa qaaliga ahna Alle haku casuumo, Caruurti iyo qoyskii & innagana Samir iyo iimaan haynaga siiyo aamiin.

Maxamed Baashe Xaji Xasan waxan la kulmay markii iigu horraysay sannadkii 1989-kii, goobtu waxay ahayd Waddankii laysku odhan jiray “Jukuslafaakiya Magaaladda Prag” waxaanu ka koobnayn 7-Ruux. Wakhtigu wuu adkaa annaguna socdaal dheer ayaanu soo galnay cid kamanaan garanayn Waddanka aanu nimi waxaanu aragnay Nin Itoobiyaana markaanu Garoonka Diyaaradaha ka soo degnay .

Si deg deg ah ayaanu u waydiinay inuu garanaayo cid Soomaali ah oo Waddanka degan . Waxuu nagu yidhi “Wax Soomaaliya Ninbaan aqaana” Wuxuu noo keenay Maxamed Baashe Xaji Xasan Alle Hawnaxaristo marxuumku xiligaa arday ayuu aha waxaanuu ku jiray qol-yar oo kamid ah meelaha ardaydu seexato. Maxamed Baashe Xaji Xasan waxuu todobayadii Ruuxba ku qaabilay waji faraxdi ku dheehantahay waxuuna na geeyey meel aanu wax ka cuno . Huteel naamuu dajin karayn maadaama oo uu arday aha markiiba wuxuu go’aansaday inuu qolka yar ee uu daganyahay nagu marti galiyo.

Waxaanan ilaabin marnaba inuu isagu seexday halka kabaha la dhigto isagoo wixii la huwanaayey ama la goglanaayey annaga na siiyey . Aroornimadii intuu na quraaciyay ayuu na geeyey meesha Tareenka laga raaco isgoo noo tilmaamay qaabka aanu Sweden ku gaadhi karno iyo tallooyin dhaxal gal aha oo uu nagula sii dardaarmay. Wuxuu waligiiba aha Nin Dhaqan, wuxuu aha Shakhsi qalbi fiican oo garasho dheer. Alle Hawnaxaristo innagana Samir iyo Iimaan haynaga siiyo Amiin.

Sir Maxamuud Cumar Cabdi

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this