Sign in to follow this  
Deeq A.

Falanqeeye Ibraahim Geedow “Waa In Lala Xisaabatamaa Wasiir Khadiijo Iyo Cabdiqani Saciid Carab ”

Recommended Posts

Deeq A.   
Ibraahim Geedoow Cawaale oo ka mid aha falanqeeyaasha ciyaaraha gudaha aya waraysi dhinaca Skyp siiyay Goobjoog Sports,isagoo ka waramay arimo badan oo ay ka mid yihiin horomarka iyo hiigsiga isboortiga Soomaaliya mustaqbalka soo socda iyo Xiriirada ka dhisan dalka ay dhageystaan talada ciyaartooydii hore iyo bahda isboortiga dalka.
kabtan-maxamuud.mp4.00_01_14_27.Still004
“Wuu jiraa horomar,bale madaxda xiriirada dalka waxaa ku bahoon in ay dhageystaan cabashada iyo baaqyada kaga imaanaya dadka ku jira xeyndaabka ciyaaraha Soomaaliya” ayuu Goobjoog Sports u sheegay falanqeeye Ibraahim Geddoow Cawaale.
DQmLmIkWsAAZ5jF.jpg

Dowladda ayaa dib u hagaajin ku samaysay garoonka ciyaaraha Muqdisho Stadium waxaana su’aal badan laga keenay in la wafaajiyo heerarka caalamiga ee garoomada dunida,si aysan markii la dhameeyo ceeb ama in la  dhaho garoonka uma diyaarnayso in lagu martigeliyo tartamada caalamka. Sequence-02.00_01_13_01.Still002-1024x76

“shaqo wanaagsan ayaa laga qabtay Stadium Muqdisho,balse Xiriirka kubbadda cagta iyo Wasaarada Ciyaaraha waan in ay xooga iska saaraan in aysan ceeyb ka imaanin kolkii la dhameeyo dib u hagaajinta lagu sameeyo Muqdisho Stadium waa in la wafaajiyaa hanaanka garoomada ay aqoonsanyihiin ha’yadda caalamiga ee isboortiga dunida” ayuu hadalkiisa sii raaciyay falanqeeye Ibraahim Geedoow Cawaale.

kabtan-maxamuud.mp4.00_00_44_08.Still003

Hoos u dhac weyn uu ku yimid daawadashada horyaalka kubbadda cagta Soomaaliya waxayna arintaas keentay in ay si weyn ugu hadlaan gorfeeyaasha ciyaaraha gudaha Soomaaliya.

Screen-Shot-2020-06-20-at-11.51.48-AM-10
“Ma garan karo daawasho la’aanta ka jirta horyaalka kubbadda cagta Soomaaliya,balse hadii uu sidan ku sii socda wuxuu niyad jab ku noqonayaa ciyaarayahanada iyo kooxaha ka qeyb galaya,waan in Xiriirka uu la yimaadaa qorsho wax looga badalaya daawasho xumada horyaalka Soomaaliya” ayuu sheegay.

Screen-Shot-2020-06-20-at-11.49.38-AM-10

Madaxda Xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya ayuu u soo jeediyay in la baralaariyo horomarka kubbadda cagta iyo in dhamaan Maamul Goboleedyada la gaarsiiyo deeqaha lagu taageero Soomaaliya.

Sequence-02.00_01_13_01.Still001-1024x76
“Mas’uuliyeenta Xiriirka waa in ay ka dhaqaaqaan Muqdisho oo ay Maamul Goboleedyada gaaraan,si fursad wanaagaan ay u helaan ciyaarayahanada iyo madaxda ururada isboortiga guud ahaan Gobolada”

Screen-Shot-2020-06-17-at-7.53.29-PM-102

Falanqeeye Ibraahim Geedoow wuxuu Xiriirka ku dhaliilay is badalka joogtada ah ay sanad walba ku sameeyaan tababaarayaasha Xulka Qaranka,isagoo sheegay in muhiimada kowaad ay tahay in la hormariyo aqoonta macallimiinta Soomaaliyeed lagana maarmo tabarayaasha ajaanibta ee qarashka badan ku baxa wax badan aan ku soo kordhin natiijooyinka Xulka,isagoo sheegay in fursad wanaagsan tababarayaasha dalka.

Sequence-02.00_02_06_20.Still004-1024x76
“Gabi ahaan waan in la joojiyaa qaadashada macallimiinta ajaanibta ee lagu bixiyo dhaqaalaha badan,waase in Xiriirka uu la yimaadaa wado ka wanagsan mid aan aragnay sanadihii lasoo dhaafay,balse taa badalkeed waa in Xulka lagu aaminaa tababrayaasha Soomaaliyeed ee kala jooga gudaha Wadanka iyo qrubaha.

large-1.jpeg

Dhinaca kale falanqeeye Geedoow waxa uu madaxda Xiriirka Kubbadda Cagta u soo jeediyay in waqti geliyo lagana faa’ideestay dhallinyarada xirfada wanaagsan ee ku nool gudaha Soomaaliya iyo caalamka.

kabtan-maxamuud.mp4.00_00_17_17.Still002
“Yurub,Afrika iyo Carabta waxaa laga helayaa macalliniin iyo xirfadlayaal tayo wanaagsa oo qeyb ka qaadan kara mahsruuca guulaha Xulka,wuxuuna Xiirirka u soo jeediyay in dhaqaalo badan lagu bixiyo kobaca iyo guulaha Xulka Qaranka Soomaaliya” ayuu Goobjoog Sport u sheegay Falanqeeye Geedoow
Sequence-04.00_00_00_00.Still001-1024x76

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this