Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar madaafiic ah oo lagu qaaday saldhigyada Janaale

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasom Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay weerar madaafiic ah lagu qaaday saldhigyo ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo ku yaalla deegaanka Janaale ee gobolkaasi.

Weerarka oo ay qaadeen dagaalyano ka tirsan Al-Shabaab ayaa waxaa lala bartilmaameedsaday saldhigyo ciidanka Uganda iyo kuwa milatariga dowladda Somalia ay ku leeyihiin halkaasi, waxaana xigay iska hor imaad dhex-maray labada dhinac.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in ciidamada AMISOM ay dhankooda ku jawaabeen tiro hoobiyeyaal ah oo qaarkood ku hoobtay duleedka Janaale.

Wararka ayaa sheegaya inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, balse aan la xaqiijin karin inta uu la’egyahay.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo maamulka gobolka Shabeelaha Hoose oo ku aadan weerarkaasi.

Janaale ayaa ka mid ah magaalooyinkii ugu dambeeyey ee ay la wareegeen ciidamada Xooggan, waxaana inta badan weeraro ku soo qaada dagaalyahanada Al-Shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this