Sign in to follow this  
Deeq A.

Sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda oo lagu dilay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil qorsheysan oo sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda loogu geystay Muqdisho.

Dilka oo ay fuliyeen rag ku hubeysnaa bistoolado ayaa ka dhacay gudaha degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in raggii ka dambeeyey falkaasi ay goobta isaga baxsadeen, inta aysan gaarin ciidamada ammaanka Soomalaiya.

Dhinaca kale kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay inay fulisay dilkaasi, sida ay ku baahisay baraha bulshada ee Internet-ka.

Qoraalka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalyahano ka tirsan kuwooda ay toogasho ku dileen laba Xidigle Cali Raage Maxamuud, islamarkaana ay horey u sii qaateen bistoolad uu watay, sida ay hadalka u dhigeen.

Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin ah oo maamulka degmada Dharkenley iyo laamaha amniga Soomaaliya ay ka bixiyeen dhacdadaasi.

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro gaadma ah ku qaada saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this