Deeq A. Posted June 20, 2020 Xaflad si weyn loo agaasimay oo xalay ka dhacday magaalo xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug ayaa lagu daahfuray mashruuc ah kii ugu weynaa ee laga hirgeliyo Galmudug. Xafladda waxaa joogay maamulka cusub ee Galmudug eeuu hoggaamiyo madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qooroor iyo sidoo kale hoggaanka Habardgidir. Kulanka ayaa sidoo kale, waxaa federaalka ah ku matalayey wafdi uu hoggaaminayey guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha Aqalka sare Abshir Maxamed Axmed, guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee golka shacabka Mahad Cabdalle Cawad, xildhibaanno golaha shacabka ah, Senatarro iyo mas’uuliyiin kale. Kulanka ayaa sidoo kale waxaa ka soo qeyb galay ganacsato ka soo jeeda deegaannada Galmudug, kuwaas oo lagu casuumay kulanka iyo marti sharaf kale, waxaana lagu yaboohey lacag dhan 90 Milyan oo doolar oo ah dhismaha wejiga 1aad ee dekadda Hobyo. Faahfaahinta iyo khudabaha halkan kala soco. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites