Sign in to follow this  
Deeq A.

Mashruuca Dhismaha Dekadda Hobyo oo La Daahfuray

Recommended Posts

Deeq A.   

Xaflad si weyn loo agaasimay oo xalay ka dhacday magaalo xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug ayaa lagu daahfuray mashruuc ah kii ugu weynaa ee laga hirgeliyo Galmudug.

Xafladda waxaa joogay maamulka cusub ee Galmudug eeuu hoggaamiyo madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qooroor iyo sidoo kale hoggaanka Habardgidir.

Kulanka ayaa sidoo kale, waxaa federaalka ah ku matalayey wafdi uu hoggaaminayey guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha Aqalka sare Abshir Maxamed Axmed,  guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee golka shacabka Mahad Cabdalle Cawad, xildhibaanno golaha shacabka ah, Senatarro iyo mas’uuliyiin kale.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa ka soo qeyb galay ganacsato ka soo jeeda deegaannada Galmudug, kuwaas oo lagu casuumay kulanka iyo marti sharaf kale, waxaana lagu yaboohey lacag dhan 90 Milyan oo doolar oo ah dhismaha wejiga 1aad ee dekadda Hobyo.

Faahfaahinta iyo khudabaha halkan kala soco.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this