Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Somaliland oo fasaxday maandooriye halis galin kara bulshadeeda

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi ayaa fasax rasmi ah siisay isticmaalka maandooriye halis galin kara bulshadeeda oo qaar kamid ah dunidana laga mamnuucay, sida ay xog ku heshay Caasimada Online.

Xogta ay heshay Caasimada Online, ayaa tibaaxeysa in ogolaanshiyo rasmi ah ay xukuumada Muuse Biixi ka heleen qolooyin cadaan ah oo lagu sheegay Hay’addo caalami ah oo gacan ka helaya ganacsato Somaliland ah.

Maandooriyaha ay xukuumada Somaliland u fasaxday in lagu isticmaalo gudaha deegaanadeeda ayaa lagu magacaaba “Tobacco LYTE Nicotine”, oo ah Tubaako aad u sareeya la qabsigiisu, isla markaana ay ku jirto maado uu qabatinkoodi uu sareeyo.

Wasaarada ganacsiga, warshadaha iyo dalxiiska Somaliland ayaa waraaq fasax ah siisay isticmaalka iyo ka ganacsiga Tubaakadaasi halista bulsho wadata, iyada oo ay arrinkaasi kala qeyb qaateen Wasaarada horumarinta maaliyada, Hay’adda dhowrista Somaliland iyo weliba ciidamada ilaalinta canshuuraha, sida ay ogaatay Caasimada Online.

LYTE Nicotine ayaa ah Tubaako uu qabatintoodi uu sareeyo, iyadoona khal-khal galineysa macdanta jidhka ku jirta, isla markaana ku qasbeysa qofka caba inuu raadiyo markasta, haddii uu waayana ay wax weyn ka badaleyso shaqada wadnaha, maskaxda iyo weliba ruuxda aadamaha.

Waraaqda lagu fasaxayey Tubaakadaasi halista caafimaad u horseedi karta bulshada Somaliland ayaa si toos ah ugu socotay Maamulka madaarka Hargeysa ee Cigaal International ee Wasaarada ganacsiga.

Waxa xusid mudan in Caasimada Online ogaatay in hore loo hakiyay arrinka Tubaakadan oo muddo soo socotay, balse ugu dambeyntii ay fasaxday Wasaarada ganacsigu, taasi oo ku saxiixnaa Agaasimaha guud ee wasaaradaasi.

Xukuumada Somaliland ayaa ku dooda inay la dagaalanto maandooriyayaasha la keeno deegaanadeeda, xili ay si cad u fasaxday Tubakadan ay halista badan ku jirto, isla markaana halis weyn ku ah bad-qabka caafimaadka dadkeeda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this