Sign in to follow this  
Deeq A.

Muddaharaadyo ka bilowday Boosaaso iyo Ceeldaahir

Recommended Posts

Deeq A.   
Dibax-baxyo.jpg?w=1000&ssl=1Sawirkan waa Ceedaahir

Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in Maanta oo Jimce ah halkaasi uu ka socdo Muddaharaad looga horjeedo Hannaanka loo qeybiyay Afarta Waaxood ee Boosaaso.

Qaar kamid ah Dadweynaha muddaharaadka samaynaya  ayaa ku dhawaaqaya ereyo ka dhan ah Barmaamijkaas oo sida ay sheegeen lagu saleeyay Hab Qabiil ku dhisan oo ka baxsan Cadaaladda islamarkaana aan la aqbali Karin.

Dadka muddaharaadka dhigaya oo u badan dhalinyaro ayaa socdaal ku maraya waddooyinka qaar waxaana ay dalbanayaan in Caddaalad lagu saleeyo Barnaamijkaas Dowladdu waddo haddii kalena uusan ka hirgeli doonin Boosaaso.

Maamulka Gobolka Bari iyo kan Degmada Boosaaso ayaa isku dayaya in la xakameeyo Muddaharaadka waxaana Ciidamo kala duwan lagu daadiyay gudaha Magaalada Boosaaso si ay u joojiyaan Muddaharaadka inkastoo aysan ku guulaysan.

Degaanka Ceeldaahir ee Gobolka Bari ayaa isna waxaa Maanta ka socda Muddaharaad kaasi lamid ah oo looga horjeedo Hannaanka loo qaybiyay Waaxyaha Boosaaso.

PUNTLAND POST

The post Muddaharaadyo ka bilowday Boosaaso iyo Ceeldaahir appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this