Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Dibad-bax ballaaran oo ka socdo magaalada Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (Caasimada Online ) – Boqolaal dadweyne ah oo isugu jira dhalinyaro, haween iyo qeybaha kale ee bulshada ayaa maanta isugu soo baxay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, iyaga oo dhigaya dibad-bax cabasho ah.

Banaan-baxa oo ah mid ballaaran ayaa waxaa looga soo horjeedaa, hanaanka ay Puntland u qeybisay afarta waax ee ay ka kooban tahay magaaladaasi.

Dibax-baxayaasha oo ku qeylinayo erayo ay ku muujinayaan dareenkooda ayaa taayaro ku gubayo waddooyinka waa weyn ee magaalada Boosaaso.

Sidoo kale mudaharaadkan oo hore loo sii qorsheeyey inuu maanta oo Jimco ah dhaco ayaa saameeyey isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale magaalada ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa amniga Puntland oo loogu talagalay inay ka hortagaan banaan-baxaasi, balse ay ku guul darreysteen.

Puntland ayaa horey u sheegtay in aysan aqbali doonin dibad-bax ka dhaca gudaha Boosaaso, iyadoo guddomiyaha gobolka Bari uu shaaciyey in dadka abaabulaya ay la mid ah Al-Shabaab.

2-28-696x463-1.jpg 1-29-696x744-1.jpg 3-23-696x666-1.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this