Sign in to follow this  
Deeq A.

SOMALILAND: Wasiirkii Labaad Oo Shaaciyay In Uu Ka Bogsaday Cudurka COVID 19

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxa sharaf ii ah in aan mar labaad idinla wadaago farriinta natiijadda baadhitaanka Covid-19 oo aan sameeyey 18/06/2020 kadib markii 01/06/2020 June la iga helay caabuqa Corona fayras.

Muddo 15 cisho ah oo aan ku jirey karantiin (self-qurantine) inaga oo raacaya tilmaamihii iyo talooyinkii ay i siiyeen hawl-wadeenadda caafimaadku waxa natiijadda baadhitaankeygu soo baxdey ‘negative (Recovered)’.

Waxa aan mahadnaq ballaadhan u jeedinayaa bahda caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland oo ay u horreeyaan Maamulka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo Kooxda Baadhista Caabuqa Covid-19 oo run ahaantii muujiyey karti, xirfad iyo waayo-aragnimo wax-ku-ool ah oo ay ku maaraynayaan hawshan oo ah mid aad u culus oo ay tahey in aad loogu ixtiraamo.

Xanuunka COVID-19 illaahay ha inaga badbaadiyee waa dilaa dahsoon (silent killer). Haddii uu qofka ku dhaco waxa looga baahan yahay in uu si joogto ah ula socdo xaaladda caafimaadkiisa, gaar ahaan neef-mareenka, sanbabada iyo ogsajiinta ilaa inta uu ka bogsanayo.

Waxa aan mar labaad ugu baaqayaa bulshadda Somaliland in aanay dhayalsan xanuunkan islamarkaana ay ku dadaalaan tilmaamaha hawl-wadeenadda caafimaadku inna siinayaan si aan aniguna u badbaadno bulshadana u badbaadino.
Ugu danbeyntii, waxa aan halkan uga mahadnaqayaa dhamaan cid kasta ila soo xidhiidhay ii ducaysay isla markaan si dhow ula socotay xaaladayda

Fiiro-gaar ah:
Waxa aan si gaar ah u adkaynayaa in aynu ilaalino dadka waaweyn iyo dadka u nugul xanuunkan.

#Badbaadi Naftaada, Nafta dadka aad jeceshahay iyo nafaha Bulshada.

Waad mahadsan tihiin

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this