Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo war lama filaan ah ka soo saartay guushii ay Kenya ka gaartay Jabuuti

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaraadda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay guushii ay Kenya ka gaartay Jabuuti, kadib markii ay uga adkaatay tartan ka dhacay xarunta Qaramada Midoobay oo Kenya ay ku heshay kursiga aan joogtada aheyn ee golaha ammaanka.

Wasiirka arrimaha dibadda, Mudane Axmed Ciise Cawad oo qoraal kooban soo dhigay  bartiisa Twiter-ka ayaa hambalyo u diray Kenya, isaga oo ku hadlayey magaca dowladda Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay ku kalsoon yihiin in Kenya ay ka shaqeynayso danaha gobolka, warkaas oo ah mid lama filaan ah maadaama uu Soomaaliya xilligan Kenya kala dhexeeyo muran badda oo ay dacwadiisu taallo maxmkamadda ICJ.

FB_IMG_1592539796520.jpg

Kenya ayaa Afrika kuma tali doonta kursiga aan joogtada ahayn ee Qaramada Midoobay, waxaana ay sheegtay in xubinimadaasi aysan u adeegsan doonin xiisada kala dhexeysa Soomaaliya.

Hadalka wasiir Cawad ayaa ku soo aadaya, iyadoo dowladda Soomaaliya ay horey u taageereysay Jamhuuriyadda oo looga adkaaday tartan codeyn ah oo ka dhacay xarunta dhexe ee QM

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this