Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Dadka muddaharaadka ka abaabulaya Boosaaso waxay lamid yihiin kuwa is qarxiya

Recommended Posts

Deeq A.   
Abwaan.jpg?w=1000&ssl=1Guddoomiye Cabdisamad Abwaan

Guddoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamad Yuusuf Maxamed (Abwaan), oo Caawa wareysi gaar ah siiyay Puntland Post, ayaa ka warbixiyay hannaanka loo qaybiyay Waaxyaha Magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga Puntland.

Guddoomiye Cabdisamad Abwaan, ayaa sheegay in hannaankaasi ay soo hindiseen Golaha Degaanka Degmada Boosaaso, islamarkaana ujeedkiisu yahay Maamul daadejinta, si loo xaqiijiyo Amniga Xaafadaha Boosaaso.

Mudane Abwaan, wuxuu sidoo kale caddeeyay in Barnaamijka Waaxyaha Degmada Boosaaso aan lagu qaybin Hannaan Qabiil, balse lagu saleeyay Nidaamka Dowliga ah ee daadejinta Adeegyada dadweynaha.

Guddoomiyaha, oo ka jawaabayay su’aal la xiriirtay Cabashada Shacabka qaar ka muujiyeen Barnaamijkaas, ayaa sheegay in aysan jirin cid cabasho u soo gudbisay Dowladda, haddiise ay jiraan laga dhegaysan doono Cabashooyinkooda.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in aan la aqbali doonin in la siyaasadeeyo Barnaamijka, isagoo ku hanjabay in cid kasta oo isku dayda khalkhal gelinta Amniga Boosaaso tallaabo adag laga qaadi doono.

Mar wax laga weydiiyay muddaharaad la sheegay in laga abaabulayo Boosaaso, ayuu ka digay arrintaas wuxuuna sheegay in dadka ku hawllan ay lamid yihiin kuwa is qarxiya, islamarkaana tallaabo sharci ah laga qaadi doono.

Halkaan ka daawo wareysiga oo dhan

PUNTLAND POST

The post Puntland: Dadka muddaharaadka ka abaabulaya Boosaaso waxay lamid yihiin kuwa is qarxiya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this