Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Jubbaland oo Kulan La Qaatay Safiirka Dowladda Qatar Ee Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxwaynaha dawlad goboleedka Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta aqalka madaxtooyada ku qaabilay safiirka dawlada Qatar ee Soomaaliya Xasan Xamza Asad.

Wafdiga uu safiirku hogaaminayay oo magaalada Kismaayo u yimid furitaanka mashaariic ay dawlada Qatar ka fulisay Jubbaland waxaa kamid ah masuuliyiin ka socda hay’ada gargaarka dalka Qatar iyo xubno kale.

Waxaa madaxwaynahu uu safiirka uga mahad celiyay adeegyada hormarineed ee Qatar ay ka fulisay Jubbaland iyada oo la isku raacay in la dardar galiyo mashaariicda dhiman ee mustaqbalka dhaw oo ay ugu muhiimsanyihiin adeegyada xaafimaadka, waxbarashada, beeraha iyo garoomada diyaaradaha.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this