Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Maaliyada Itoobiya oo Booqasho aan la shaacin ku tegay Muqdisho+Ujeedada Safarkiisa & Xoggo kale

Recommended Posts

Deeq A.   
 Wasiirka Maaliyada Itoobiya oo Booqasho aan la shaacin ku tegay Muqdisho+Ujeedada Safarkiisa 
 shide.jpg

Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shide ayaa shalay booqasho aan la shaacin ku tegay magaalada Muqdisho, sida ay maanta ku warantay dowladda Itoobiya.

Qoraal kasoo baxay safaaradda Itoobiya ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in wasiirka uu siday deeq daawo ah oo dowladda Itoobiya ugu tala gashay ka hortagga cudurka Coronavirus ee Soomaaliya.

Axmed Shide ayaa sidoo kale intii uu joogay Muqdisho la kulmay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, oo ku qaabilay madaxtooyada, waxaana la sheegay inay ka wada-hadleen arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka istiraatiijiyadeed ee labada dal, hindisaha is dhex galka Geeska Afrika, isku xirka kaabayaasha dhaqaalaha iyo heshiiska wadajirka ah ee Iskaashiga Amniga labada dal.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa dooratay inaysan shaacin booqashadan, mana cadda sababta ay sidaas u dooratay, waxaana laga warhelay un markii uu qoraal ku saabsan barta twitter-ka soo dhigay safiirka Itoobiya ee Soomaaliya Jamaaludin Mustafa.

This was indeed a great moment for the two countries bilateral relationship. Fruitful discussions of many bilateral fronts and delivery of critically needed COVID-19 medics and materials is indeed a testament of the growing excellent relationship betewen the two countries. https://t.co/l2U8wWQUXV

— Jamaludin Mustafa (@jamaludinmusta1) June 18, 2020

“Tani waxay daqiiqad muhiim ah u ahayd xiriirka labada dal, waxay wada-hadallo miro dhal ah ka yeesheen dhinacyada iskaashiga, iyo wareejinta agabka iyo dawooyinka aadka loogu baahan yahay ee COVID-19, waxay caddeyn u tahay xiriirka wnaaagsan ee sii kordhaya ee labada dal,” ayuu yiri safiir Jamaludin Mustafe.

Madaxweynaha Soomaaliya, oo inta aan la dooran aad looga yaqiin nin isu muujiya inuu neceb yahay Itoobiyaanka, kuna sheegi jiray cadowga koowaad ee umadda Soomaaliyeed, ayaa markii uu xilka qabtay Itoobiya ka dhigtay saaxiib, isaga oo ra’iisul wasaaraha dalkaas ugu yeera “walaalkey”.

104424757_2994172613971583_6364888589616 104730071_2994172727304905_5896307655551 shide1.jpeg

Share this:

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this