Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Qatar oo Xariga Ka Jartay Mashaariic Hormarineed Magaalada Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxaa maanta gaaray wafdi ka socda dowladda Qatar oo uu hoggaaminayo Safiirka Qatar ee Soomaaliya Xasan Xamza Asad.

Wafdiga ayaa waxaa Garoonka diyaaradaa Kismayao ku soo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenka koobaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo xubno kamid ah golaha wasiiradda Jubbaland, iyada oo loo gelbiyay Gudaha Magaalada Kismaayo.

intaasi ka dib ayaa wafdiga safiirka waxaa ay kulan la qaateen madaxweynaha dowlad goboleedka Jubland  Axmed Maxamed islaam  (Axmed Madoobe) iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada waxaana markii uu kulanka soo dhamaaday saxaafada la hadlay safiirka dowlada khadar u fadhiya Soomoaliya Xasan Xamza waxaana uu sheegay in si wadayaan taageerada dadka danyarta iyo adeegyada arrimaha bulshada.

Madaxweyne Axmed Maxamed islaam ayaa uga mahadceliyay dowlada qatar mashaariic hormarineed ee ay ka wado Soomaaliya, waxaana mashaaricda maanta ay xariga jareen  kamid tahay mashruuc loogu talagalay caruurta agoonta.

Goobjoog Newse6907648-73da-4036-8fc4-560a5c300b85.jpg ce64ddd7-9d57-448b-857d-aa884325b9f0.jpg ce64ddd7-9d57-448b-857d-aa884325b9f0.jpg eb2c3694-2f4e-4ca6-8db9-77003f3eb3db.jpg 2dab226d-7b10-41bc-88e8-7be1e6061042.jpg Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this