Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Maxaa kasoo baxay kulankii Axmed Madoobe iyo safiirka Qatar?

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowlada Qatar ee Soomaaliya Xasan Xamza Asad.

Safiirka iyo Wafdiga uu hogaaminayo oo Magaalada Kismaayo u yimid furitaanka Mashaariic Dowlada Qatar ay ka fulisay Jubbaland ayaa waxaa kamid ah Masuuliyiin sidoo kale kasocda Hay’ada gargaarka Dalka Qatar iyo xubno kale.

Waxaa Madaxweynahu uu Safiirka uga mahad celiyay Adeegyada hormarineed ee Qatar ay ka fulisay Jubbaland iyadoo la isku raacay in la dardar galiyo Mashruucyada dhiman ee mustaqbalka dhow waxaana ugu muhiimsan Adeegyada Caafimaadka Waxbarashada Beeraha iyo garoomada Diyaaradaha.

Waxaa jira warar sheegaya ujeedka ugu wayn ee Safiirka uu u tagay Magaalada Kismaayo inay tahay arrimo la xiriira sidii Axmed Madoobe uga dhaadhicin lahaa inuu taageero dowladda Federalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan aqoonsatay Maamulka Jubbaland, sidoo kalena Madaxweynaha Jubbaland u ogolaatay laba sano KMG, balse arrintaasi waxaa ka soo horjeestay Maamulka Jubbaland oo sheegay Dastuurka Maamulkaasi inuusan sidaasi dhigeyn.

104432000_1915174548616475_4600308516608 104308891_1915174475283149_8778465473970 104467248_1915174528616477_8144872377097 104734733_1915174485283148_4832395135865

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this