Deeq A. Posted June 18, 2020 Muqdisho:General ka bad-baaday qarax loo dhigay Taliye kuxigeenkii hore ee Ciidanka milateriga Somalia Jen. Maxamed Cali Bariise ayaa ka badbaaday qarax maanta ka dhacay Muqdisho. Qaraxa oo ka dhacay agagaarka Madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim, islamarkaana ahaa nooca dhulka lagu aaso ayaa waxaa ku dhintay dad shacab ah oo halkaas marayey. Xilliga uu qaraxa dhacay ayaa waxaa goobta marayey gaadhiga uu la socday taliye ku-xigeenkii hore oo ahaa noocan xabadu karin. Sida ay Warbaahinta u sheegeen goobjoogayaal, gaadhiga uu la socday Taliye kuxigeenka ayaa ka gudbay goobta miinada ku aasneyd, waxayna ku qaraxday Bajaaj ay saarnaayeen dad Shacab ah. Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaas ku dhintay hooyo iyo ilmo ay dhashay oo mootada saarnaa, halka 3 kale ay ku dhaawacantay. Ma jirto weli cid sheegatay qaraxii Maanta ka dhacay Muqdisho, Qaran News Share this post Link to post Share on other sites