Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay Ka Wadahadleen Madaxweyne Geelle iyo Ra’iisulwasaare Kheyre?

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa saaka kulan kula qaatay magaalada Djibouti Madaxweynaha dowladda aan walaalaha nahay ee Djibouti mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Ra’iisulwasaaraha ayaa Madaxweynaha Djibouti uga mahad celiyay gogosha uu u fidiyay Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland iyo dadaalka dheeraadka ah ee uu ku bixiyay in wadahadallada ay guul ku soo dhamaadaan.

Ra’iisulwasaare Khayre iyo madaxweyne Geelle ayaa sidoo kale ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhinacyada amniga dhaqaalaha iyo istaraatiijiyadda labada dal ee walaalaha ah.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this