Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliiska Soomaaliya oo sheegay in ay gacanta ku dhigeen xubno ka tirsan Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Afhayeenka Ciidanka Boliiska Dowladda Federaalka Soomaaliya Dhamme Sadiiq Aadan Cali oo la hadlay Warbaahinta ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgal  maalmihii ugu dambeyay ay Booliisku ka sameeyeen gudaha magaalada Muqdisho.

Dhame Sadiiq Aadan Cali ayaa sheegay howlgal ciidamada ammaanku ay ka sameeyeen degmada Dharkenley in ay gacanta kusoo dhigeen xubno ka tirsan maleeyshiyada Alshabaab islamarkaana haatan su’aalo lagu weydiinayo Xarunta C.I.D.

Afhayeenka ayaa sidoo kale tilmaamay in 15-kii bishaan in xaafadda Dabakaayo-madow ee degmada Dharkeyley lagu qabtay nin magaciisa  ku sheegay Xasan Cabdullaahi Salaad oo ka tirsanaa Amniyaadka Alshabaab dillal-na ka geystay degmadaasi.

Dhinaca kale waxa uu shaaca ka qaaday in Bishii hore la qabtay Shabakad ka tirsan Al-shabaab oo isku urursanayay EX: Koontarool Afgooye iyo Dharkenley kuwaas oo qorshaynaay qaraxyo ay fuliyaan.

PUNTLAND POST

The post Booliiska Soomaaliya oo sheegay in ay gacanta ku dhigeen xubno ka tirsan Al-shabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this