Sign in to follow this  
Deeq A.

Muuse Biixi oo faahfaahiyay Wada-hadalkii dowladda Federaalka iyo Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefdi uu hoggaaminayey ee ka qayb-galay wada-hadalladii u dhexeeyay dowladda Federaalka iyo Somaliland ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulkaasi.

boqollaal ka tirsan qaybaha kala duwan ee shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa oo ay hoggaaminayaan mas’uuliyiinta maamulka Somaliland ayaa madaxweynaha iyo wefdigiisa kaga hortegay xayndaabka madaarka Cigaal International Airport.

Madaxweyne Biixi ayaa markii uu soo gaaray xarunta  madaxtooyada Hargeysa wuxuu halkaasi ka jeediyey khudbad uu kaga hadlay wada-hadalladii labada dhinac ee dowladda Federaalka iyo Somaliland ku dhexmaray waddanka Jabuuti.

Halkaan ka daawo Khudbadda oo dhammaystiran

PUNTLAND POST

The post Muuse Biixi oo faahfaahiyay Wada-hadalkii dowladda Federaalka iyo Somaliland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this