Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqalka Cad oo isku dayaya inay horjoogasadaan Daabacaada Buug Laf-jab ku ah Trump 

Recommended Posts

Deeq A.   

Aqalka Cad oo isku dayaya inay horjoogasadaan Daabacaada Buug Laf-jab ku ah Trump

 bolton.jpg

Buug uu qoray lataliyihii hore ee ammaanka qaranka Madaxweyne Donald Trump , ayaa buuq badan ka abuuray aqalka Cad , waxaana socda dadaalo aqalka cad ku doonayo in uu uga hortago daabacaada buugaasi.

Buuggan oo cinwaan looga dhigay “Qolka ay wax ka dhaceen” ayaa waxaa qoray John Bolton oo soo noqday lataliyihii amaanka Qaranka ee Madaxweyne Trump, waxa uuna buugan soo bandhigayaa xogo badan oo dadka ka qarsoon.

Qoraha buugan ayaa soo bandhigaya xogo badan aysan jecleysan Aqalka cad in la baahiyo, waxaana xogahaasi kamid ah codsi Madaxweyne Trump u diray Madaxweynaha Shiinaha uuna ka codsanayay in uu taageero dib u doorashadiisa.

Buugga waxaa ku qoran xog xasaasi ah oo aan bulshada loo soo bandhigin, waxaana xoghaaasi walaac badan ka abuureen Madaxweynaha Mareykanka iyo saaxiibada ku dhaw dhaw ee ku sugan Aqalka cad.

Aqalka cad ayaa horey u sheegay in buugan lagu faafinayo siro culus ay qalad tahay in bulshada lala wadaago sidaa owgeedna muhiim tahay in buuga meesha laga saaro , hasa ahaatee waxaa dalabka Aqalka cad kasoo horjeestay John Bolton.

Buuggan oo si weyn loo wada sugayo xogaha ku qoran ayaa lagu wadaa in la daabaco 23-ka bishan, waxaana aqalka cad wali ku dadaalayaa sidii daabacaadiisa loo joojin lahaa si uusan saameyn ugu yeelan dib u doorashada madaxweyne Trump.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this