Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaraxii Muqdisho oo la ogaaday in lala damacsanaa taliye ku-xigeenkii ciidanka xoogga ee is-casilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye kuxigeenkii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Jen. Maxamed Cali Bariise ayaa ka badbaaday qarax maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ka dhacay agagaarka Madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim, islamarkaana ahaa nooca dhulka lagu aaso aheyd ayaa waxaa ku dhintay dad shacab ah oo halkaas marayey.

Xilliga uu qaraxa dhacay ayaa waxaa goobta marayey gaariga uu la socday taliye ku-xigeenkii hore ahaa kuwa ciidanka saaran yihiin oo aan xabada karin.

Sida ay Caasimadda Online u sheegeen goobjoogayaal, gaariga uu la socday Taliye kuxigeenka ayaa ka gudbay goobta miinada ku aasneyd, waxayna kadib haleeshay Bajaaj  ay saarnaayeen dad Shacab ah.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaas ku dhintay hooyo iyo ilmo ay dhashay oo mootada saarnaa, halka 3 kale ay ku dhaawacantay.

Ma jirto weli cid sheegatay qaraxii Maanta ka dhacay Muqdisho, balse waxaa xusid mudan in qaraxyada noocaan oo kale ah looga bartay kooxda Al-Shabaab oo dagaal kula jirto Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada Midowga Africa ee ku sugan Soomaaliya.

Sareeya Guuto Maxamed Cali Bariise oo la hadlay Caasimada Online ayaa xilka uu iska casilay 18-kii Febraayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this