Sign in to follow this  
Deeq A.

Sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab iyo xubno kale oo lagu qabtay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo maanta shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa ka warbixiyey howlgalladii ugu dambeeyey ee ay ciidamada dowladda Soomaaliya ka sameeyeen magaalada Muqdisho.

Dhamme Sadiiq Aadan Cali ayaa sheegay in 15-kii bishaan ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa Booliska ay gacanta ku dhigeen sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kaas oo uu magaciisa ku sheegay, Xasan Cabdulllaahi Salaad oo loo yaqaano (Bukhaari), wuxuuna tilmaamay inuu ka tirsanaa jabhado ka soo dagaalamay gobolka Hiiraan.

Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in Bukhaari uu ka tirsanaa amniyaat-ka Al-Shabaab, islamarkaana lagu qabtay gudaha degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, kadib xog ay ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ka heleen dadka shacabka ah.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu dilal qorsheysan ka fuliyey gudaha degmadaasi, balse ugu dambeyn la soo qabtay isaga oo gacanta kula jira fal dambiyeed, isaga iyo laba kale, wuxuuna hoosta ka xariiqay in haatan ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah.

Sadiiq oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku dhuftay in dowladda Soomaaliya ay burburisay shabakado Shabaab ah oo isku xirnaa, kuwaas oo ku sugnaa degmada Dharkenley iyo isgoyska Ex-koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka ayaa xusay in shabakadahaasi ay lahayeen goob Studio ah oo lagu ciyaaro Jeeska, islamarkaana ay isticmaalayeen maan-dooriyaha noocyadiisa kala duwan.

Dhinaca kale wuxuu shaaciyey in ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen rag burcad ah oo wade mooto Bajaajle ahaa ku dilay degmada Dharkenley, kuwaas oo tilmaamay in lagu qabtay, iyagoo baxsad ahaa degmada Xamar Jajab ee G/Banaadir.

Ugu dambeyn afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa soo hadal qaaday dhacdadii dhowaan ka dhacday isgoyska Ceel-Gaabta ee lagu dilay Aabe Soomaaliyeed, kadib markii askari ka tirsan ciidamada dowladda uu u dilay 2,000 oo shilin Soomaali ah, wuxuuna sheegay in la qabtay askarigaasi, loona heysto dambiyo kale oo uu hore u geystay, wuxuuna hoosta ka xariiqay inuu haatan ku jiro gacan amaan ah oo awood leh, inta laga soo saarayo maxkamad, si cadaaladda loo horkeeno askarigaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this