Sign in to follow this  
Deeq A.

Qoraa/Abwaan/Mujaahid Maxamed Baashe Xaaji Xasan saaka ku geeriyooday magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Qoraa/Abwaan/Mujaahid Maxamed Baashe Xaaji Xasan saaka ku geeriyooday magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Geerida naxdinta leh ee Marxuun Maxamed Baashe Xaaji ayaa lagu shaaciyay qoraal kooban oo lagu baahiyay barta uu ku lahaa Facebook-ga.

Qoraal ayaa u dhignaa sida tan: “Inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicoon. annagoo ka raalli ah qadarka eebe waxa aynu idinku war gelinaynaa in saaka rabi oofsaday Maxamed Baashe X Xasan.

Ilaahay qabriga ha u nuuro, ilaahay ha dhigo marti laga jecelyahay aakhiro, ilaahay janatul fardowsa ha ku casuumo. amiin.

u soo duceeya walaalayaal

Maamulka bogga”

Maamulka, madaxda iyo hawl-wadeennada warbaahinta Somalilandtoday waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan ehelada, qoyska, qaraabada, asxaabta iyo dhammaan ummada Soomaalida ee uu uu ka baxay marxuun Maxamed Baashe Xaaji Xasan

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this