Sign in to follow this  
Deeq A.

Warar dheeraada oo  ka soo baxaya Qarax Muqdisho ka dhacay & Khasaaro dhimasho oo ka dhashay

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraada oo  ka soo baxaya Qarax Muqdisho ka dhacay & Khasaaro dhimasho oo ka dhashay

  bajaaj.jpg

Qarax sababay khasaaro isugu  jira dhimasho ayaa goordhaw ka dhacay agagaarka Ex-Madaxtooyadii hore ee Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa sida aan wararka ku helnay ka dhacay jid cadde aagaasi kuyaala, waxaana qaraxaan lala eegtay gaadhi nuuciisa lagu sheegay Hilux ciidan la socday oo halkaasi marayay.

Masuul katirsan maamulka Degmada Hodan ayaa noo sheegay in qaraxa uu ka bad baaday gaadhigii lala eegtay, waxa uuna intaa ku daray in qaraxa uu haleelay mooto ay la socdeen dad shacab ah oo xiligaasi goobta maraysay.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku dhintay sadex qof oo shacab ah oo la sheegay in ay kala ahaayeen Wade Mooto bajaaj, haweeney mootada saarneyd iyo cunug ay wadatay, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay labo qof oo kale.

Saraakiil iyo ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, mana jiro ilaa hada wax war ah oo qaraxan kasoo saareen

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this