Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Puntland oo qarax lala eegtay+Khasaaraha

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Puntaland oo qararx lala eegtay+Khasaaraha

Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka PUNTLAND ‘oo lagu qarxiyey’ gobolka Bari

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar loo adeegsaday qarax oo lagu qaaday ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Puntland oo ku socdaalayey agagaarka deegaanka Af-Urur oo ka tirsan gobolka Bari.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee meelaha fog-fog laga hago ayaa la sheegay in lala eegtay gaadhi dagaal oo ay wateen ciidamadaasi.

Wararka qaar ayaa sheegaya in gaadhiga uu haleelay qaraxa uu soo gaadhay burbur xoogan, islamarkaana uu jiro khasaare kale oo soo gaadhay ciidamadii saarnaa.

Illaa iyo hadda lama shaacin khasaaraha dhabta ee ciidanka Puntland ka soo gaadhay weerarkaasi, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulkaasi.

 

Inta badan kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab oo ku xoogan dhulka buuraleyda ee gobolka Bari ayaa weeraro kala duwan oo ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada ciidamada Puntland ee ka howlgalka deegaanada kala duwan ee gobolkaasi.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this