Sign in to follow this  
Deeq A.

Safiirka Qatar u fadhiya Soomaaliya oo saaka gaaray kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Safiika dowladda Qatar u fadhiya Somaaliya Xasan Xamza ayaa saaka gaaray  magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel gaarka ah  ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Madaxweyne ku xigeenka koobaad Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo xubno kamid ah golaha wasiiradda Jubbaland ayaa safiirka ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Sayyid Maxamad Cabdulle Xasan ee magaalada Kismaayo.

Warbaahinta Jubaland ayaa sheegaysa in Safiirku  uu xariga ka jarayo mashaariic horumarineed oo ay dowladda Qatar Jubbaland ka hirgelisay inta uu ku suganyahay magaalada Kismaayo.

Ha yeeshee wararka qaar ayaa ku warramaya in Safiirka uu sidoo kale halkaasi u tegay arrima siyaasadeed inkastoo aysan jirin cid si rasmiya u xaqiijisay wararkasi hoose.

PUNTLAND POST

The post Safiirka Qatar u fadhiya Soomaaliya oo saaka gaaray kismaayo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this