Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaabiis ku xirnaa waddanka Cummaan oo maanta dib loogu soo celiyay Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   
  • Maxaabiista.jpg?resize=1000%2C750&ssl=1Maxaabiista la soo celiyay maanta

13 maxbuus oo laga soo daayay xabsiyada waddanka Cummaan ayaa maanta oo Khamiis ah dib loogu soo celiyay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Maxaabiistan oo mudda sagaal sannadood ah arrima la xiriira Burcad-badeednimo ugu xirnaa waddanka Cummaan ayaa waxa maalmihii u dambeeyay socday dadaallo lagu sii daynayo kuwaas oo ugu dambayntii lagu guulaystay.

Qaar kamid ah maxaabiista oo warbaahinta la hadlay waxay sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin xorriyadooda ay dib u heleen kadib mudda ay ku dhibaataysnaayeen xabsiyada waddankaasi Cummaan.

PUNTLAND POST

The post Maxaabiis ku xirnaa waddanka Cummaan oo maanta dib loogu soo celiyay Boosaaso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this