Sign in to follow this  
Deeq A.

Diblomaasi U Dhashay Dalka Turkiga Oo Loo Doortay Madaxweynaha Golaha Guud Ee Qaramada Midoobey.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Ankara)-Amb. Volkan Bozkir oo ah diblomaasi u dhashay dalka Turkiga ayaa waxaa Arbacadii loo doortay inuu noqdo Madaxweynaha 75aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey.

Diblomaasigan ayaa cod aqlabiyad leh lagu soo doortay, isagoo helay 178 ka mida 189 codbixiye-yaal oo wax dooraneysay, iyadoo 11 oo qura ay maya ugu codeysay.

Amb. Volkan Bozkir ayaa ahaa musharaxii keliya ee jegadaasi isu soo sharaxay, waxaana uu noqonaya diblomaasigii ugu horeeyay oo reer Turki ah, oo xilkaasi loo doorto.

Tallaabada lagu soo doortay ayaa waxaa si diiran u boggaadiyay, oo u soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Mevlüt Çavuşoğlu.

“Marka la tilmaamo magacaabista Madaxweynaheena waxaa loo doortay inuu noqdo Madaxweynaha 75aad ee Qaramada Midoobey, iyadoo taageero buuxdo uu ka helay xubnaha Qaramada Midoobey, hambalyo Danjire Bozkir guushaan aad gaadhay.” Ayuu yidhi Wasiirka.

Bozkir ayaa 15-ka bisha September ee sanadkan xilka kala wareegi doono Tijjani Muhammad-Bande, Madaxweynaha weli tallada Golaha Guud ee Qaramada Midoobey haya.

Mr. Tijjani ayaa xafiiska joogay tan iyo 17-kii bishii September ee sanadkii 2019, xilli uu hore u soo noqday Madaxweyne Kuxigeenka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey,bishii September ee sanadkii 2016.

Madaxweynaha cusub oo 69 jir ah ayaa 39-kii sanno ee la soo dhaafay ka soo shaqeynayay arrimaha diblomaasiyadda, waxaana uu hore u soo noqday Danjiraha Romania, La taliyaha Qunsulka Guud ee New York, Kuxigeenka Qunsulka Guud ee Stuttgart, Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Baghdad, Wakiilka Joogtada Turkiga ee Midowga Yurub, Wakiilka Joogtada Turkiga ee OECD iyo xilal kaloo badan, oo uu ugu magacawnaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this