Sign in to follow this  
Deeq A.

Doorasho Ay Galeen KENYA Iyo Jabuuti Oo Mar Kale Lagu Celinayo

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Nairobi)-Kenya ayaa ku guul-daraysatay inay hanato kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka kaasoo ay kula tartamaysay dalka Jabuuti, kadib markii ay heli weyday codadkii ay u baahneyd.

Kenya ayaa waxa ay heshay 113 cod, halka Jabuutina ay heshay 78 cod, sidaas daraadeedna Kenya 15 cod ayey ku weyday kursiga, waxaana taasi ay ka dhigan tahay in markale lagu celin doono doorashadaasi. Taasi oo ah in cidana aanay helin 128 cod oo ah aqlabiyad saddex meelood ah oo laba meel oo ah.

Natiijadaasi waxa ay ka dhigan in Khamiista maanta ah markale ay labada dal tartami doonaan, waxaana hawl adag ay u taallaa diblomaasiyiinta labada dal sidii ay uga dhex ololeyn lahaayeen dalalka caalamka.

Haddii Jabuuti iyo Kenya uu midkoodna heli waayo tirada aqlabiyadda ah ee ay u baahan yihiin, waxaa ay aadayaan wareeg saddexaad. Haddii ay isku mari waayaanna, waxaa dhici karta in tartanka loo furi dalal kale oo Afrikaan ah.

Qaabka kale ee xalka loogu heli karo arinkan ayaa ah in labada dal ay ku heshiiyaan qeybsiga muddo xileedka kursiga oo dalkiiba uu sanad ku fadhiyo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this