Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland ‘oo lagu qarxiyey’ gobolka Bari

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar loo adeegsaday qarax oo lagu qaaday ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Puntland oo ku socdaalayey agagaarka deegaanka Af-Urur oo ka tirsan gobolka Bari.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee maalaha fog-fog laga hago ayaa la sheegay in lala eegtay gaari dagaal oo ay wateen ciidamadaasi.

Wararka qaar ayaa sheegaya in gaariga uu haleelay qaaraxa uu soo gaaray burbur xoogan, islamarkaana uu jiro khasaare kale oo soo gaaray ciidamadii saarnaa.

Illaa iyo hadda lama shaacin khasaaraha dhabta ee ciidanka daraawiishta Puntland ka soo gaaray weerarkaasi, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulkaasi.

Xaaladda ayaa lagu soo warramayaa inay haatan degan tahay, iyadoona ciidamadii qaraxa lala eegtay ay halkoodii ka sii wateen socdaalkooda.

Inta badan kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab oo ku xoogan dhulka buuraleyda ee gobolka Bari ayaa weeraro kala duwan oo ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaaday ciidamada dowlad goboleedka Puntland ee ka howlgalka deegaanada kala duwan ee gobolkaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this