Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo qaaddacday Shirkii Madaxweyne Farmaajo ku casumay Madaxda Dowlad Goboleedyada

Recommended Posts

Deeq A.   
Timacadde.jpg?w=1000&ssl=1Wasiir Tima-Cadde

Xukuumadda Puntland ayaa sheegtay in aysan ka qayb-geli doonin Shirka uu Madaxweyne Farmaajo ku casumay Madaxda Dowlad Goboleedyada Dalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir si looga tashado Arrimaha Doorashooyinka Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi (Tima-Cadde) ayaa wareysi uu siiyay Telefishinka SBC wuxuu ku sheegay in xukuumadda Puntland ay taageersantahay Baaqii ka soo baxay Aqalka Sare ee ku saabsanaa in Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka ay shir isu’gu yimaadaan si looga arrinsado Hannaanka Doorashada 2020/2021.

Wasiir Tima-Cadde wuxuu sidoo kale caddeeyay in Puntland aysan ka qayb-geli doonin Shirka uu ku baaqay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kaasi oo lagu casumay Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Dhinaca kale Wasiirka ayaa ku celiyay Go’aankii Xukuumadda Puntland ku qaaddacday Wada-hadalka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ee ka qabsoomay waddanka Jabuuti isagoo xusay in Puntland aysan marnaba aqbali dooni Natiija kasta oo ka soo baxda Shirkaas.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo qaaddacday Shirkii Madaxweyne Farmaajo ku casumay Madaxda Dowlad Goboleedyada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this