Sign in to follow this  
Deeq A.

Yaa ku guuleystay Kursigii Golaha Amaanka QM ee Kenya & Jabuuti ku loolamayeen?

Recommended Posts

Deeq A.   

Yaa ku guuleystay Kursigii Golaha Amaanka QM ee Kenya & Jabuuti ku loolamayeen?

Yaa ku guuleystay codeyntii loo qaaday Jabuuti iyo Kenya ee Golaha Ammaanka QM?

Kenya iyo Jabuuti ayaa ku kala bixi waayey cod-bixintii ka dhacday xarunta QM ee loolanka labadaas dal ay ugu jireen helitaanka kursi aan joogto ahayn oo ka mid ah 15-ka kursi ee Golaha Ammaanka.

Doorashadii maanta dhacday ayaa waxay Kenya heshay 113 cod, halka Jabuuti ay ka heshay 78 cod, taasi oo macnaheedu yahay in berri lagu laaban doono codeyn kale, maadaama Kenya aysan helin laba meelood saddex meel codadka ama 129 cod.

Kenya iyo Jabuuti ayaa labadaba raadinaya inay beddelaan dalka Koonfur Afrika, waxaana dalkii guuleysta uu kursiga ku fadhin doonaa muddo laba sano ah.

Codeynta labaad ayaa dhici doonta berri, waxaana haddii Kenya ay guuleystao ay noqon doonta markii saddexaad ee kursigan ay hesho. Kenya ayaa sidoo kale xubin ka ahayd Golaha Ammaanka 1973-74 iyo 1997-98. Jabuuti weligeed kuma guuleysan kursiga.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay inay taageereyso musharaxnimada Jabuuti, waxaana jirta cabsi ah in haddii Kenya ay hesho kursigan ay u adeegsan karto inay Golaha Ammaanka ka billowdo cadaadis ka dhan ah Soomaaliya, oo ku saabsan inay ka laabato kiiska badda ee Maxkamadda ICJ.

Codeymihii kale ee maanta dhacay ayaa India waxay ku guuleysata kursiga xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee dalalka Asia-Pacific, halka Turkey ay ku guuleysatay madaxweynenimada Golaha Guud ee QM.

Shan dal ayaa xubno joogto ka ah Golaha Ammaanka, waana Mareykanka, UK, Ruushka, Shiinaha iyo Faransiiska. 10-ka kursi ee kale ayaa waxaa labadii sanaba qabta dal ka mid ah 193-ka dal ee xubnaha ka ah QM.

 Mawqifka Villa Somali  & Taageero ay u muujisay Jabuuti.

 

Federal Government of Somalia maintains its unequivocal support for #Djibouti and wishes its brotherly nation success in its bid for a non-permanent seat in United Nations Security Council for 2021-22 period. Djibouti has displayed the drive and desire for lasting regional peace. pic.twitter.com/dzq6R4xbJ8

— Abdinur Mohamed (@AbdinurMAhmed) June 17, 2020

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this