Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqriso: DF Soomaaliya iyo Somaliland oo ku heshiiyey shan qodob + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Jabuuti (Caasimada Online) – Wada-hadalada guddiyada farsamo ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ee ka socday Jabuuti ayaa lasoo geba-gebeeyey ayada oo dhinacyada ay ku heshiiyeen qodobo horudhac ah.

Dowladda federaalka iyo Somaliland ayaa ku heshiiyey shan qodob, kuwaasi oo loo saaray Saddex guddi hoosaadyad oo ka wada shaqayn doono qodobadaasi,.

Qodobada lagu heshiiyey ayaa warbaahinta u akhriyey wasiirka arrimaha dibedda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, waxaana ay kala yihiin:-

1 – Sidii loo sii wadi lahaa shirarka mustaqbalka, si qurux badan oo hadaf xanbaarsan

2 – Sidii dib loogu dhisi lahaa kalsoonidii labada dhinac.

3 – Sidii loo meel marin lahaa qodobadii lagu heshiiyey shirarkii hore ee aan la hirgelin sida kaalmooyinka Dhaqaale ee Caalamiga ah iyo Gargaarada Bani’aadannimo, waxaana qodobkaasi loo saaray guddi, kuwaasi oo shiri doona muddo shan iyo toban cisho (15) kadib ah, kuna shiri doona Jabuuti.

4 – Waxaa ay labada dhincba soo saareen guddi ka wada xaajoon doona Arrimaha Hawada, kuwaasi oo muddo shan iyo toban cisho gudahood ah ku shiri doona Jabuuti.

5 – Waxaa ay labada dhinacba soo saareen guddi saddexaad oo ka wada shaqayn doona Arrimaha nabad-gelyada.

Waxaa sidoo kale la magacaabay guddiga guud ee farsamado ee wada-hadallada oo heer wasiiro ah, waxaynaa 45-cisho ka dib ku kulmi doonaan Jabuuti si u qiimeeyaan wax qabadka guddi hoosaadyada.

Dowladda federaalka waxaa heshiiska u saxiixay wasiirka arrimaha gudahga Cabdi Maxamed Sabriye, halka Somaliland uu u saxiixay Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon oo ugu magacaaban wasiirka arrimaha dibedda.

Hoos ka daawo sawirrada saxiixa heshiiska
83182029_2989881594459007_23657113157148 103529437_2989881657792334_4775003459542 EavnHbfWAAAJPB7.jpeg 103616132_2989768177803682_3026805489869 103586549_2989768181137015_3451508859837 103315386_2989768281137005_4146843601769 104230514_2989768374470329_1946769466849

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this