Sign in to follow this  
Deeq A.

Dad u geeriyooday cudurka COVID-19 oo lagu gubay duleedka HARGEYSA

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno waqooyiga magaalada Hargeysa ee Somaliland, gaar ahaan deegaan lagu magacaabo Xeero ayaa sheegaya in halkaas lagu arkay meydad lagu gubay deegaanka.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in halkaas lagu gubay meydadka dad ajaaniib ah uu u geeriyooday xanuunka CIVID-19, kuwaas oo laga keenay meelo ka baxsan deegaanka.

Dadka ku nool deegaanka Xeero ayaa guddiga xakameynta iyo ka hortagga xanuunka COVID-19, si adag ugu dhaleeceeyay inay ku guul dareysteen wax ka qabshada arintaas oo sheegeen inay khatar deegaanka.

Halka lagu gubay meydadkaas ayaa ah dog xilliyada roobka ay bihu maraan, kuwaas oo gudaha u gala magaalada caasimadda ah ee Hargeysa, sida ay sheegeen dadka deegaankaas oo warbaahinta la hadlay.

Muuqaalo laga soo duubay goobta lagu gubay dadkaas ayaa muujinaya haraadiga meydadka, welina si rasmi ah looma oga dhalasha ahaan halka ay kasoo jeedaan dadkaas la sheegay in meydkooda lagu gubay duleedka Hargeysa, kadib markii ay u dhinteen xanuunka Coronavirus.

Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa illaa hadda ka jawaabin cabashada dadka deegaanka Xeero oo qaarkood sheegay in lacago kummaan dollar ah lagu kala qaatay in meydadkaas lagu gubo deegaanka.

Halkan ka Daawo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this