Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Shacabka Baarlamanka Soomaaliya oo loo qeybiyay Xeerarka Dhammaystirka Doorashooyinka

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga Diyaarinta xeerarka dhameystirka Sharciga Doorashoyinka Federaalka ayaa Maanta Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya u qeybiyay xeerarka dhameystirka Doorashooyinka oo ay soo diyaariyeen.

Guddiga ayaa Xildhibaanada u qeybiyay 4 xeer , kuwaasi oo kala ah Xaqiijinta Mataalada Gobolka Banaadir, Xeerka Asteynta iyo Daadajinta Kuraasta Baarlamaanka Federaalka, Qoondada Haweenka iyo Habka Nidaamka Doorashada xubnaha Gobolada Waqooyi ama Somaliland.

Intaas kadib Guddoomiyaha Guddiga diyaarinta xeerarka dhameystirka sharciga doorashoyinka Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yaroow ayaa Xildhibaanada ka hor aqriyay warbixinta guddiga ee ku saabsan 4-ta xeer.

Warbixinta Guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in Guddiga ay isku raaceen in Matalaada Aqalka Sare ee Gobolka Banaadir laga siiyo 7, isla markaana wax laga bedeli doono qodobka 72aad ee Dastuurka, sababo la xiriira 7-da kursi ee Gobolka la siiyay.

Sidoo kale, Guddiga ayaa kuraas walba oo ka tirsan kuraasta Baarlamaanka Federaalka u asteeyay Gobolka uu matalo, si codbixiyeyaasha gobol kasta u soo doortaan wakiiladooda, waxaa guddiga xusay in kuraasta loo daadjiyay illaa heer Gobol, inta laga helayo tirakoobka rasmiga ah ee deegaameynta kuraasta Baarlamaanka.

Halkaan ka akhriso Afarta Xeerba

1-16.jpg?w=1000&ssl=1 2-11.jpg?w=1000&ssl=1 3-7.jpg?w=1000&ssl=1 4a.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Golaha Shacabka Baarlamanka Soomaaliya oo loo qeybiyay Xeerarka Dhammaystirka Doorashooyinka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this