Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Hooyo ka ooyeysa xariga wiilkeeda oo ay Somaliland u dhiibtay Jabuuti

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Hooyo Soomaaliyeed oo ku nool magaalada Hargeysa ayaa si murugo leh ugu warbixisay xaalada wiilkeeda oo maamulka Somaliland u gacan geliyay dowladda Jabuuti.

Hooyo Faadumo Ciise Fariid ayaa si murugeysan u sheegtay in la heyb soocay, isla markaana dadkii lala qabtay ee kasoo jeeday beelaha kale lasoo daayay balse wiilkeeda oo kasoo jeeda beelaha la heyb sooco weli uu ku jiro xabsiga.

Wiilka hooyo Faadumo Ciise Fariid oo lagu magacaabo Cabdullaahi Sheekh Cabdiraxmaan ayaa mudo lix sano ah ku xiran Jibuuti, kadib markii maamulla Somaliland uu u gacan geliyay dowladda Jabuuti sanadkii 2014-kii.

Hooyadaan oo indha beeshay markii wiilkeeda loo dhiibay Jabuuti ayaa ka codsaday dowladda Jabuuti iyo madaxweynaheeda Ismaaciil Cumar Geelle in wiilkeeda usoo celiyo, iyadoo ku celcelisay in maamulka Somaliland ay ka daashay 7 sanadood sidii ay u baryeysay in loo soo celiyo wiilkeeda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this