Sign in to follow this  
Deeq A.

JABUUTI Iyo Kenya Oo Maanta Ku Kala Baxayo Loolanka Kursiga Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobe Yaa Ku Guulleysan Doono??

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Nairobi)-Golaha Guud ee Qaramada Midoobe ayaa Arbacada maanta ah dooran doona shan xubnood oo ka tirsan kuraasta aan joogtada aheyn ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey.

Kuraasta lagu tartamayo ayaa muddo xileedkeedu yahay 2021-2022, waana mid wareeg ah oo ay ku tartamayaan dalalka qaaradaha Adduunka, sannad kasta ayaa loo tartamaa kuraasta aan joogtada aheyn ee Golaha ammaanka

Kenya iyo Jabuuti ayaa u tartamaya hal kursi, halka dalalka reer Galbeedka ay saddex dal ku tartamayaan laba kursi, sida Canada, Ireland iyo Norway.

Mexico iyo Hindiya ayaa ah labada dal ee aan tartan adag kala kulmi doonin dalal kale, maadaama keligood uga sharxan yihiin qaaradahooda.

Loolanka ugu weyn ee kursiga ayaa noqday mid ka dhex bilowday dalalka Kenya iyo Jabuuti oo olole ballaadhan u galay sidii midba midka kale ugu guulleysan lahaa, iyadoo labadan dal intii ololaha ugu jiraan hadalo adag iska weydaarsadeen warbaahinta.

Kenya ayaa sanadkii 2019 heshay aqlabiyada xubnaha ka socda Midowga Afrka, waxaana ay rajo badan ka qabtaa inay hesho kursiga Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey

Sidoo kale Jabuuti ayaa olole ka sameysay dalalka Islaamka iyo jaamacadda Carabta, si ay u hesho cododka dalalkaas, sidoo kale dalal badan ayay taageero ka raadisay.

Labada dal Jabuuti iyo Kenya ayaa midkii ku guulleysta kursiga Golaha Ammaanka waxay bedeli doonaan dalka Koofur Afrika oo waqtiga ka sii dhammaanaya.

Tan iyo sannadkii 2007-dii Midowga Afrika ayaa hal kursi ee uu Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey ku leeyahay waxaa loo adeegsadaa hab wareeg ah loogu tartansiiyo dalalka Afrika.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this