Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: Maxaa Maanta Looga Hadlayaa Kulanka Golaha Shacabka?

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha shacabka ee  Baarlamanaka federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in ay kulan ku yeeshaan xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Ajandaha maanta ayaa ah in akhrinta 3-aad la mariyo Hindise-sharciyeedka Nootooyinka oo golaha uu horay u soo mariyey akhrinta 1-aad iyo 2-aad, golaha ayaana lagu wadaa in ay meel mariyaan sharcigaan.

Xildhibaannada golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ay hadda ku jiraan kala-fadhiga 7aad ee ugu dambeeya muddo xileedka Baarlamaanka, waxaana horyaalla shaqooyin dhowr ah,.

Googjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this