Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Ciidamada Xoogga oo howl-gallo qorsheysan ka fuliyey gobolka Galgaduud

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howl-gallo qorsheysan oo ciidamada milatariga dowladda federaalka, qeybtooda 21-aad ay ka sameeyen deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Howl-gallada ayaa waxa ay ciidamadu ku gaareen deegaanka War-Xoolo oo hoostaga degmada Ceelbuur, halkaas oo ay gacanta ku hayeen dagaalyahanada Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay si nabadoon kula wareegeen deegaankaasi, kadib markii ay isaga baxeen Al-Shabaab oo dhaqaaqay dhanka deegaanka Wabxo.

Taliyaha guutada 15-aad ee qeybta 21-aad ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed , S/Guuto Mascuud Maxamed Warsame oo goob fagaare ah kula hadlay dadka deegaanka ayaa ugu baaqay inay is-dajiyeen, islamarkaana ay ka shaqeeyaan sugida amniga.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay sii wadi doonaan howl-galladooda tan iyo inta kooxda Al-Shabaab laga saarayo gobollada Galgduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana lagu soo warramayaa in ciidamada dowladda ay fariisimo cusub ka sameysteen duleedka degmada Ceelbuur ee maamulka Galmudug.

3-18.jpg 1-24.jpg 2-23.jpg

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this