Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug oo magacaabay Guddi cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Dowlad Goboleedka Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac Waayeel ayaa magacaabay Guddiga qaban-qaabada dhismaha Golaha Degaanka Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiir Cabdi Waayeel ayaa lagu Magacaabay Guddiga oo ka kooban 13-xubnood kuwaasi oo ka shaqeyn doona sidii Gole Degaan loogu sameeyn lahaa Degmada Hobyo.

Sidoo kale waxaa Wareegtada Magacaabista ah lagu xusay in baahi loo gabo in Degmada Hobyo yeelato Gole Degaan si loo dardar-geliyo Howlaha kala duwan ee ka socda halkaas.

Halkaan ka akhriso Guddiga

9.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug oo magacaabay Guddi cusub appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this