Sign in to follow this  
Deeq A.

Militariga Soomaaliya oo la sheegay in ay la wareegeen Degaanno ka tirsan Ceelbuur

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Militariga iyo Nabad Sugidda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in ay hawlgal qorshaysan kula wareegeen Degaanka lagu magacaabo War-Xoolo oo hoos yimaada Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.

Wakaaladda Wararka SONNA oo xiganaysa Saraakiil ka tirsan Militariga Soomaaliya ayaa saaka oo Arbaco ah ku warrantay in Ciidamadu ay la wareegeen Degaanka War-Xoolo kadib markii ay halkaas isaga carareen Malayshiyaadka Al-shabaab oo Saldhigyo kulaa Degaanka.

Al-shabaab ayaa Degaanka ka cararay kadib markii ay ka war-heleen in ay ku soo wajhan yihiin Ciidamada Militariga oo ay weheliyaan Nabad Sugidda waxaana ay u baxeen dhanka Tuulada Wabxo oo ku dhow War-Xoolo sida ay sheegtay SONNA.

Sareeye Guuto Mascuud Maxamed Warsame oo ka tirsan Saraakiisha hoggaaminaysa Hawlgalkaasi ayay wakaaladdu ka soo xigatay in sidoo kale Ciidamadu gaareen Ceelgod iyo Warar-dhuuma-leh oo ka tirsan Gobolkaasi Galgaduud.

Dhinaca kale Al-shabaab weli war kama soo saarin Sheegashada Dowladda sidoo kalena ma jirto cid ka madax-bannaan labada dhinac oo xaqiijisay warkaasi.

PUNTLAND POST

The post Militariga Soomaaliya oo la sheegay in ay la wareegeen Degaanno ka tirsan Ceelbuur appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this