Sign in to follow this  
Deeq A.

Jabuuti: Gudiyadda farsamo ee Somaliland iyo Somalia oo caawa soo gunaanaday wada hadalkoodii

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiyadii farsom ee loo saaray xal ka gaadhsita iyo ka *****nta qodobadii hore ay ugu heshiiyeen labada dawladood ee Somaliland iyo Somaliya, kuwaasi oo ay hirgalintoodu ka xanibnayd ama hirgali wayday xaga Somaliya ayaa caawa lagu soo gabo gabeeyay dalka Jabuuti

Kulankii doraad ka dhacay dalka Jabuuti ee ay beesha caalmku goob jooga ka ahayd, ee ay ka hadleen labada madaxweyne ee Somaliland iyo Somaliya ayaa maalintii labaad ee kulankooda mid waliba dhinaciisa uu kalsooni buuxda siiyay sidii loo soo saari lahaa heshiis lagu wada kalsoonyahay.

Waxana bilowgii la isku mari waayay qodobo xaasaasi ah oo ay qolo waliba dhankeeda soo dhigtay miiska, hase ahaatee waxa caawa lagu soo gabo gabeeyay dalkaasi Jabuuti kulankii ay lahaayeen guddiyada farsamo ee labada dhinac waxana la isla qaatay qodobadii hore loogu heshiiyay iyo kuwo cub oo hor leh.

Anaga oo aan ka sii hordhaci doonin qodobada lagu heshiiyay oo ilaa hada ayna saxaafadu helin waxa ay labada dhinac bari si wada jir ah ugu dhawaaqi doonaan go’aamadaasi oo la siin doono warbaahinta.

Gudiyadda farso ee labada dal ka kala socdaana waa sidan hoos ku qoran

Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibada
1. Yasin Haji Mohamud Hir.

2. Wasiirka Ganacsiga dalxiiska.
Mohamud Hassan Sa,ad

3. Ergeyga wada hadalada Somaliland iyo Soomaliya Dr Adna Adan Ismail

4. Wasiirka Xanaanada xoolaha Iyo kaluumaysiga
Said Sulub Mohammed

5. Wasiirka Maaliyadda
Dr Saad Ali Shire

6 . Safiirka Somaliland ee Jabuuti Ambassador Abdifatah Said Ahmed

7. Xoghayaha Gaarka madaxwaynaha
Mubarak Ismail Taani.

Soomaliya.

1. Wasiirka Arrimaha gudaha iyo federaalka Cabdi Maxamed Sabriye

2. Wasiirka Batroolka Cabdirashiid Maxamed Axmed

3. Wasiir ku xigeenka areimaha dastuurka Xuseen Cabdi Cilmi

4. Gudoomiyaha guddiga Madaxa banaan ee fulinta iyo dib u eegista arrimaha dastuurka Maxamed Dahir Afrax

5. Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Dr Sulayman Maxamed Maxamuud.

6.Xildhiban Maryan Carif Qasim

7. Wakiilka ahna la taliyaha sare ee Madaxweynaha Soomaliya Balal Maxamed Cismaan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this