Sign in to follow this  
Deeq A.

Mary Trump: Maxay gabadhan u dooneysaa inay kashifto adeerkeed Donald Trump?

Recommended Posts

Deeq A.   

Mary Trump: Maxay gabadhan u dooneysaa inay kashifto adeerkeed Donald Trump?

Sawir ay ka muuqdaan Trump walaalihiis, bidix ilaa midig: Robert, Elizabeth, Fred, Donald iyo MaryanneSawir ay ka muuqdaan Trump walaalihiis, bidix ilaa midig: Robert, Elizabeth, Fred, Donald iyo Maryanne

Gabadh uu adeer u yahay madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, oo iyadana lagu magacaabo Mary Trump ayaa laga dhowrayaa inay shaaca ka qaaddo buug ay ka qortay adeerkeed oo ay ku sharraxeyso wax kasta oo ku saabsan isaga. Haddaba waa tumaha iyada, maxayse tallaabadan u qaadday hadda?

28-ka bisha July, ayaa la filayaa in Mary Trump ay soo saarto buuggaas oo ay ku magacowday : Sida uu qoyskeyga uga dhashay ninka ugu halista badan adduunka.

Shirkadda wax daabacda ee lagu magacaabo Simon & Schuster ayaa Isniintii shaacisay arrintan.

Buuggan wuxuu suuqyada soo gali doonaa dhowr isbuuc uun ka hor xilliga uu dhacayo shirka qaran ee xisbiga Jamhuuriga, kaasoo gabadhan adeerkeed uu ku aqbali doono magacaabista ay xisbigiisa ugu xusheen inuu xilka madaxweynaha mar kale ugu tartamo doorashada dhaceysa bisha November, ee sannadkan.

Qormooyinka buuggaas ayaa la sheegay inay ku sharraxeyso sida ay wargeyska Ney York Times ugu wareejisay warqado sir u ahaa qoyska oo ku saabsan dhaqaalaha uu sameystay Mr Trump.

Waxyaabaha cusub ee shaaca looga qaadi doono buuggaas waxaa ka mid ah xog ku saabsan eedeyn Trump loogu jeediyay inuu laaluush dhan $400m (£316m) ka qaatay shirkadda uu aabihiis lahaa ee ka shaqeysa dhismaha guryaha shacabka.

Bayaan kasoo baxay shirkadda Amason oo gacan ka geysatay soo saarista buuggaas ayaa sheegay in gabadha qoraaga ah ay dibadda soo dhigi doonto sida uu adeerkeed “ku noqday ninka hadda khatarta ku haya caafimaadka dunida, dhaqaalaha iyo ganacsiga bulshada”.

“Waxay sharrixi doontaa waxyaabo gaar ah oo ku saabsan sida uu qoyskeeda uga dhashay ninka hadda haya maamulka Aqalka Cad, waxyaabaha ay sheegi doontana waxaa ka mid ah xiriirka dhibaatada leh ee ka dhaxeeyay Fred Trump iyo labadiisa wiil ee waaweyn, oo kala ah Fred Jr and Donald,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Donald Trump oo wiil yar ah (qofka ugu bidixeeya)iyo walaalihiis Fred, Elizabeth, Maryanne iyo RobertDonald Trump oo wiil yar ah (qofka ugu bidixeeya)iyo walaalihiis Fred, Elizabeth, Maryanne iyo Robert

Mary Trump ayaa arrimahan ka sheekeyn doonta iyadoo “iyadoo markhaatiga koowaad ka ahayd waxyaabihii dhacay”.

Buugga ayaa sidoo kale Trump ku eedeynaya inuu “ku jeesjeesay aabihiis” markii uu ku dhacay cudurka Alzheimer’s.

Mary Trump, oo hadda 55 jir ah, waa gabadha uu dhalay Fred Trump Jr, oo ah madaxweynaha walaalkiis ka weyn.

Fred Trump Jr, wuxuu geeriyooday sanadkii 1981-kii, xilligaas oo ay da’diisa ahayd 42 sano.

Inta badan waqtigii noloshiisa wuxuu dhibaato badan kala kulmay isticmaalka maandooriyaha, dhimashadiisa xilliga hore timidna waxaa sababay wadne xanuun lala xiriiriyay maandooriyihii uu cabi jiray.

Madaxweyne Trump wuxuu geerida walaalkiis usoo qaataa dagaalka ka dhanka ah maandooriyaha lala qabsado.

Donald Trump (midig) iyo walaalkiis FredDonald Trump (midig) iyo walaalkiis Fred

Wareysi uu sanadkii lasoo dhaafay siiyay wargeyska Washington Post, wuxuu Mr Trump ku sheegay inuu ka qoomameysan yahay sidii uu walaalkiis ugu cadaadiyay inuu ku biiro ganacsigooda dhismaha guryaha, xilli uu isagu lahaa riyo ku saabsan inuu duuliye noqdo.

Mary Trump way iska ilaalineysay warbaahinta, tan iyo markii uu adeerkeed noqday madaxweynaha, inkastoo ay horay ugu eedeyn jirtay waxyaabihii dhacay.

Cadowtinnimadooda waxay soo billaabatay ugu yaraan 20 sano ka hor, markaasoo iyada iyo walaalkeed ay dacwad maxkamadeed ka gudbiyeen adeerkood iyo walaalihiis.

Sanadkii 2000, Mary Trump iyo walaalkeed Fred Trump III, waxay gudbiyeen dacwad ay ku dalbanayeen lacagtii dhaxalkooda ahayd ee uu aabahood uga tagay awowgood Fred Trump Sr.

Mary Trump waxay sheegtay in adeerkeed Donald Trump iyo eeddooyinkeedba ay tahay “inay ceeb ka dareemaan waxa ay sameeyeen”.

Mar kale ayey Mary Trump iyo walaalkeed dacwad gudbiyeen markii ay shirkadda Trump ka goosatay dhaqaalihii ay ku bixin jirtay ceymiska caafimaadkooda, taasoo dabcan uu sababayay dagaalka dhinaca sharciga ee ka dhaxeeya.

Donald iyo aabihiis, Fred, oo sawirkan laga qaaday 1988-kiiDonald iyo aabihiis, Fred, oo sawirkan laga qaaday 1988-kii

Kiiskaas ayaa ugu dambeyn la xalliyay, lamana shaacinin xogtiisa oo dhammeystiran.

Majalladda People magazine, xogta dadweynaha ee Mareykanka waxay muujineysaa in gabadhan, oo magacaga dhalashadeeda uu yahay Mary Lea Trump, ay dhalatay sanadkii 1965-kii, haddana ay ku nooshaday degmada Long Island, ee magaalada New York.

Majalladda kale ee lagu magacaabo Forbes ayaa iyana soo tabisay inay haweenedan ay shahaadada heerka koowaad ee luuqadda Ingiriiska ka qaadatay jaamacadda Massachusetts, halka heerka labaad ee master-ka – oo isla maaddadaas ah – ay ku qaadatay jaamacadda Columbia ee ku taalla New York.

Waxaa kale oo ay shahaahada heerka PhD-da ku qaadatay maaddada cilmi-nafsiga, taasoo ay ka dhigatay jaamacadda Adelphi ee ku taalla isla magaalada New York

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this