Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Laftagareen oo Ciidanka Xoogga Kala Hadlay Howlgallo Laga Bilaabayo Bokool

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowlada gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo Cabdi Casiis Xasan Maxamed ( Laftagareen) ayaa kulan looga hadlayay howlgallo ka dhan ah Al-shabaab ee gobalka Bakool, waxuu  la qaatey Taliska guutada sagaalad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Genraal Muqtaar Maxmed Cabdulahi  geesey taliyaha guutada sagaalad ee ciidanka xoogga dalka oo la hadlay radiomuqdisho ayaa sheegey in kulanka ay madaxweynaha la qaateen uu ahaa mid is xog wareysi ah.

waxaana intaasi uu ku sii daray in madaxweynuhu uu aad u daneynayay,howlaha ciidamada isagoo si weyn noogu guubaabiyay sidiiloo qaadi lahaa howlgallo ka djhan ah Al-shabab ,waxaanu sidoo kale uu innoo ballan qaaday wax badan oo lagu horumarinayo guutada.

Genaral Muqtaar Geesey ayaa sidoo kale Sheegey in madaxweynaha KG. Cabdicasiis xasan maxamed lafta-gareen  ay isla soo qaadeen sidii loo soo dhameystirilahaa qorshayaasha horumarineed ee loogu talogalay dadka ku dhaqan deegaannada laga xoreeynayo.

Ugu dambeyntii waxaa uu umahad celiyay taliyuhu qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gobolka bakool,isagoo xusay iney yihiin shacab dulqaad badan’ misana ciidamada kala shaqeeya sidii guud ahaan degaannada KG loo gaarsiin lahaa dowladnimada .104021580_3199112020170871_8820940723746303005_n.jpg 104080828_3199112176837522_4250631377827709320_n-1.jpg  Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this