Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Qoor Qoor oo socdaal ku tegay Wargala iyo Galbarwaaqo

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa booqasho kooban ku tagay degaanada Wargalo iyo Gal-barwaqo oo ka tirsan Gobolka Mudug.

Booqashadan oo qeyb ka ah safarka nabadda ee uu madaxweynuhu ku marayay degaanada Galmudug ayuu ka mahadceliyay sida diiran ee loogu soo dhaweeyeey tuulooyinka Wargalo iyo Gal-barwaaqo.

Safarka Madaxweyne  Qoorqoor waxaa ku wehlinaayay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya Wasiiro iyo Mas’uuliyiin kale oo kamid ah Maamulka Galmudug

Maalmihii lasoo dhaafay  Madaxweyne Qoorqoor ayaa waxaa uu socdaal ku marayay degaano iyo magaalooyin ka tirsan Galmudug isagoo halkaas kula kulmay shacabka iyo Mas’uuliyiin kala duwan.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Qoor Qoor oo socdaal ku tegay Wargala iyo Galbarwaaqo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this