Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal Sababay Dhimasho Oo Dhex-maray Hindiya Iyo Shiinaha

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Delhi)-Sarkaal iyo laba askari oo u dhashay dalka India ayaa lagu dilay “iska horimaad rabshad leh” oo ka dhacay xuduudda lagu loolamo ee dalkaas uu la leeyahay Shiinaha, waxaa sidaas sheegay ciidamada Hindiya.

Hindiya iyo Shiinaha ayaa toddobaadyadii tegay waxa ay ku lug lahaayeen is-mariwaa ka taagan Dooxda Galwan ee galbeedka Himilayas, ayada midba midka kale uu ku eedeynayey inuu dhulkiisa kusoo xadgudbay.

Ciidamada Hindiya ayaa sheegay in isku dhac uu dhacay Isniintii islamarkaana labada dhinac uu soo gaadhay khasaare.

“Intii uu socday hanaan xiisadda lagu qaboojinayey ayaa waxaa iska horimaad uu ka dhacay Dooxada Galwan, halkaasi oo labada dhinac uu khasaare kasoo gaaray,” ayaa lagu yidhi bayaanka ciidamada India.

“Khasaaraha nafeed ee Hindiya ayaa waxaa ku jira sarkaal iyo laba askari. Saraakiil ka socota labada dhinac ayaa hadda qaboojinaya xiisadda,” waxaa sidaas lagu yidhi bayaanka ciidamada Hindiya.

Hindiya iyo China ayaa si kooban xuduudda ugu dagaalay 1962-kii, mana awoodin wixii markaas ka dambeeyey inay xalliyaan murankooda, inkasta oo ay wada-hadallo socdeen tobaneeyo sanno.

Wasaaradda arrimaha dibedda Shiinaha ayaa ugu baaqday Hindiya ayna qaadin tallaabo hal dhinac ah, ama aysan abuuri dhibaato.

Afhayeen u hadlay wasaaradda oo ku sugan Beijing ayaa sheegay in xadgudub weyn lagu smaeeyey heshiiskii labada dal, kadib markii ciidamada India “ay daan-daansadeen islamarkaana soo weerareen” shaqaale Shiinees ah, taasi oo dhalisay iska horimaad.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this