Sign in to follow this  
Deeq A.

Safiirkii Hore Soomaaliya Ee Dalka Ciraaq oo Muqdisho Ku Geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

Allaha u naxariistee waxaa saaka Muqdisho ku geeriyooday Amb. Ciise Cali Maxamed oo ku magac dheeraa (Ciise Dheere), kaas  oo ahaa diblumaasi ka tirsanaa wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda Soomaaliya.

Marxuumka oo maalmihii dambe ku xanuunsanaa magalada Muqdisho  ayaa saaka geeriyooday, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehelladiisa.

Ma shaacin ehelladu nooca xanuunka ee uu u geeriyooday maxruum Amb. Ciise Cali Maxamed oo la soo shaqeeyey dowladdii dhexe.

Sidoo kale waxaa geeridiisa ka tacsiyeeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka ah  Soomaaliya iyo kuwa horey xilal uga soo qabtay dalka, iyaga oo Alle uga baryey inuu ka waraabiyo Jannatul  Firdowso.

AUN  Amb. Ciise Dheere ayaa ahaa diblumaas  ku dhawaad 50 sanno ku dhexejiray  diblamaasiyadda sigaar ah arrimaha carabta, isaga oo dowladdii dhexe noqday safiirkii Soomaaliya u fadhiyey dalka Ciraaq. Allah unaxariistee Safiirka ayaa lagu aasay loogu sameeyey Muqdisho.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this