Sign in to follow this  
Deeq A.

Kuuriyada Waqooyi Oo Ku Hanjabtay Inay Ciidamo Gayn Doonto Xadka Milateriga Ka Caaggan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Pyongyang)-Millateriga Kuuriyada Waqooyi ayaa waxa uu ka digay inuu diyaar u yahay inuu u ruqaansado aagga millateriga ka caaggan ee kala qaybiya labada Kuuriya.

Goodigga ayaa waxa uu qeyb ka yahay jawaab loo dirayo kooxo Kuuriyada Waqooyi ka goostay oo Koonfurta ka soo diraya hadallo borobogaanda ah.

Dabayaaqada toddobaadkii tegay ayaa Kim Yo-jong, oo ay walaalo yihiin hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un, waxa ay amartay millateriga inuu u diyaargaroobo u ruqaansiga xadka.

Millateriga ayaa haatan sheegaya inuu diyaar u yahay “inuu goobtaas furunta ah uu ka sameeyo saldhig culus oo millateri oo feejignaantiisu ay sarrayso”.

Xiisadaha u dhaxeeya labada dal ee ka taagan xadka kala qeybiya ayaa sare u sii kacayay in mudda ahba, halkaas oo badanaa la isku dhaafsado buufinno ay farriimo ku xardhan yihiin.

Wasaaradda gaashaandhigga ee Kuuriyada Koonfureed ayaa Taladaadii iyadoo ka jawaabaysa hanjabaddaas cusub waxa ay sheegtay inay si dhaw Mareykanka kala shaqeynayso la socoshada dhaqdhaqaaqyada milateri ee Waqooyiga.

Muxuu Waqooyigu leeyahay??
Kuuriyada Waqooyi iyo tan Koonfureed ayaa waxaa kala qeybiya aagga milateriga ka caaggan – halkaas oo ku teedsan kalaqeybiya labada dal soona jiray tan iyo dagaalkii Kuuriya ee 1950-meeyadii.

Milateriga Kuuriyada Waqooyi ayaa Talaadadii sheegay inuu “darsayo qorshaha” uu milateriga ku gaynayo “aagga milateriga ka caaggan”.

Madaxa shaqaalaha dowladda ayaa sheegtay in ciidammadu ay “heegan sare” ku jiraan oo ay diyaar u yihiin inay “si degdeg ah oo adag” ay u fuliyaan go’aannada dowladda.

Bayaanka ayaa imanaya kaddib markii gabadha la dhalatay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ay Sabtidii ku hanjabtay inay Koonfurta ka qaadi doonaan tallaabo milateri.

“Waxa ay ila tahay waxaa la joogaa waqtigii aynu kala go’I lahayn mas’uuliyiinta Kuuriyada Koonfureed,” ayey tidhi Kim Yo-jong, taas oo xil sare ka haysa nidaamka siyaasadeed ee Waqooyiga.

Waxa ay ballanqaadday inay “tallaaba” qaadi doonto, waxa ay sheegtay inay amartay milateriga, bayaankeedana waxa ay ku soo gunaanadday: “Qashinka meesha loogu talagalay ayaa lagu ridaa.”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this