Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab Oo Madaafiic Ku Garaacday Saldhiga Ciidamada Jabuuti Ee Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Beledweyne)-Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya Al-Shabaab ay madaafiic ku weerareen Saldhiga Ciidamada Jabuuti ku leeyihiin Xaafada Howl-wadaag.

Tiro madaagiic hoobiyeyaal ah ayaa ku soo dhacay agagaarka saldhigga, waxaana Ciidamada Jabuuti ay ku jawaabeen madaafiic culus oo laga maqlayay xaafadaha magaalada Beledweyne.

Lama oga khasaaraha ka dhashay madaafiicdan, waxaana weerarka uu dhacay xilli habeen ah, ayna adag tahay faah faahin in laga helo.

Ciidamada Jabuuti ayaa saaka howlgalo ka wada deegaanada dhanka koofureed ka xiga Beledweyne oo ahaa dhanka madaafiicda laga soo riday

Al-Shabaab ayaa saldhig ku leh deegaanka Luuq Jeelow oo qiyaastii Beledweyne u jirta illaa 20KM u jirta.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this